111 entries

Articles Published in March, 2016

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Baajiyay Safar uu ku Tegi lahaa Waddanka Sweden

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa baajiyay Safar uu ku tegi lahaa Dalka Sweden, kaddib shirkii Waddamada Ciidamadu ka joogaan Somalia ee ka dhacay Dalka Jabuuti, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somalia.

SAWIRRO: Ugu yaraan 30 Ruux oo ku Dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Degmada Baydhabo

Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay  labo bambaano waxaana sheegtay Alshabaab gaar ahaan hoteel aad u mashquul badan oo laga cunteeyo degmada Baydhabo, sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay barasaabka gobolka Baay maanta.

Axmed Fiqi “Al-Shabaab wax culeys ah lama saarin labadii sano, waana fursad ay heleen”

Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay weeraradii u dambeeyay ee Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, isagoo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha sababta u ah inay kordhiyaan weerarada.

Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida oo Baarlamaanka hor-tagaya

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ayaa lagu wadaa inay maanta hor-tagaan Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo arrimaha amniga dalka oo beryihii u dambeeyay faraha ka sii baxayay.

Goodax “Nooma muuqato saan saan Amni ee lagu gaari karo Agosto in dalkan doorasho ka dhacdo”

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii hore ayaa rajo xumo ka muujiyay in bisha Agosto ee soo socota in dalka doorasho ka dhacdo, xaalada amni ee dalka oo sii xumaanaya.

Wasaaradda A. Gudaha oo sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka lagula xisaabtamayo Amniga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir wixii hada ka dambeeyay lagula xisaabtami doono amniga degmada ay maamulaan.

Dagaal u dhaxeeya Ahlusuna iyo sarkaal horay ugu biiray oo ka socda Dhuusa Mareeb

Dagaal u dhaxeeya Xoogaga Ahlusuna iyo ciidamo taabacsan Sarkaal horay ugu biiray ayaa ka socda magaalada Dhuusa Mareeb, iyadoo dagaalka uu saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan magaalada.

SOMALILAND: Salaaddiin loo Xidh-xidhay Dilka Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil oo la Toogtay

Taliska ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay ku daba-jiraan kooxihii dilay Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil ee Somaliland, Col. C/risaaq Yuusuf Max'uud (Casayr) oo kooxo Hubeysan ay ku dileen shalay Deegaanka Biyoole oo Gobolka Saaxil ka tirsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay sababta Soomaaliya loogu diiday Suuqa Bariga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa ka warbixiyay sababaha Soomaaliya loogu diiday xubinimada Suuqa Bariga Afrika ee loo yaqaano EAC oo ay ku bahoobeen illaa lix dal oo ku yaala Bariga Afrika.

Xaalada Dhuusa Mareeb oo saaka degan, kadib dagaaladii cuslaa ee shalay ka dhacay

Xaalada magaalada Dhuusa Mareeb ayaa saaka ah mid degan, kadib dagaal culus oo habeen hore illaa shalay ka dhacayay magaalada, iyadoo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ay si buuxda gacanta ugu hayaan ammaanka magaalada.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS