4 entries

Articles Published on February 25, 2016

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo Qaahira kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Masar

 Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa kulan kula qaatay Magaalada Qaahira Taliyaha guud ee Ciidanka Masar S/Guud Mohamud Hijaali iyo Saraaakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Dalkaas, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal iyo taageerada dhanka Ciidamadda ee dawladda Masar ay siiso Soomaaliya sidii loo kordhin lahaa.

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilka-Jiir), iyadoo kulankan Warbixino looga dhageystay Wasaaraddo kala duwan, isla markaana lagu ansixiyey Siyaasadda guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha “Waxaa la isla gartay in 2020 dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in si guul uu ku soo dhamaaday shirkii Istanbul ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, isagoo faah faahin ka bixiyay qodobada la isla gartay ee shirka ka soo baxay.

Madaafiic sababay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo Maanta ka Dhacay MUQDISHO

Ugu yaraan shan ruux  oo Qaarkood ay isku Qoys kasoo jeedeen ayaa ku geeriyooday, Toddoba qof oo kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray Madaafiic maanta ku dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Hawlwadaag iyo Wardhiigley oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS