Guddoomiyaha Baraawe oo ku dhaawacmay qarax lala eegtay, xilli uu xafiiskiisa ku sugnaa
Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Guddoomiyihii degmadaas Xuseen Barre Jeex uu dhaawac fudud ka soo gaaray qarax lala eegtay, isagoo ku sugnaa xafiiskiisa.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxan nooca uu ahaa, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inuu ahaa miino lagu aasay meel ku dhow xafiiska, halka maamulka degmada uu sheegay inuu ahaa Bam gacmeed lagu soo tuuray xafiiska Guddoomiyaha.
Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga ee degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa bam gacmeed lagu soo tuuray Xafiiska Guddoomiyaha, isla markaana ay qabteen ruuxii ka dambeeyay.
“Bam gacmeed ayaa Guddoomiyaha lagu soo tuuray, isagoo xafiiskiisa jooga, waxaa Bam laga soo tuuray guri dabaq korkiisa ah, waana qabanay qofkii soo tuuray, saldhiga ayuu ku xiran yahay”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howl gallo baaritaano ka wada degmada Baraawe, waxaana xaalada degmadana ay tahay mid degan.
Comments