Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Guddoomiyihii degmadaas Xuseen Barre Jeex uu dhaawac fudud ka soo gaaray qarax lala eegtay, isagoo ku sugnaa xafiiskiisa.
Milateriga Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa sheegay inay dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen deegaan 50-km u jira degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Madaxda caalamiga ah ee la filayo in ay ka qeybgalaan Madasha Istanbul ee loogaga hadli doono arrimaha Soomaaliya todobaadka soo aadan, ayaa mas,uuliyiinta ka qeybgali doonta waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibada ee Canada.