Warar faahfaahsan oo ka soo baxaya dab ka kacay suuqa degmada Wadajir

Qaaraha uu geystey dab ka kacay suuqa weyn ee degmada Wadajir kaasoo baabi’iyay qeybo ka mid ah degmada Wadajir.

Warar faahfaahsan oo ka soo baxaya dab ka kacay suuqa degmada Wadajir

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu sababay khasaaro hantiyadeed oo aad u badan,waxaana ku howlan damintiisa gaadiidka dab damiska ah.

Dad goobjoogayaal ah oo suuqa ku sugan ayaa sheegay in dabka uu hadda si xowli ah ku soconayo,waxaana uu intaa ku daray in dabka ay ku gubteen bakhaaro iyo dukaano ku yaalla suuqa degmada Wadajir.

Sidoo kale Suuqa ayaa waxaa gaaray Ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb qaadanaya gurmadka lagu daminayo dabka iyo ilaalinta hantida Suuqa taala si aan loo Bililiqeysan.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa ku sugan suuqa uu dabku ka kacay, illaa hadda lama oga sababta dhalisay dabkan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS