Abaaro laga soo sheegayo Puntland

Cunto yari  iyo biyo la,aan baahsan ayaa laga soo sheeggayaa deegaano badan oo hoos yimaada maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Abaaro laga soo sheegayo Puntland

Sida ay sheegayaan wararka aanu halkaasi ka heleyno xaalad abaar ah ayaa ka jirto tuulooyin badan oo hoos yimaado gobolka Nugaal gaar ahaan degmooyinka Dangoronyo iyo Eyl.

Wariyaal booqday deeganada ayaa soo arkay dhibaatooyin u badan biyo la,aan oo ay la ildaranyihiin dadka deegaanka, waxaana laga cabsi qabaa saameeyn xoogan in ay ka dhalato abaartan.

Soomaaliya ayaa waxaa sanadkaan laga cabsi qabaa abaayo in ay ku dhiftaan, kadib marki labadi sano ee lasoo dhaafay ay xilliyadi roobka ahaayeen kuwo aad u yar.

Todobaadki hore waxaa abaaro laga soo sheegay qeybo ka mid ah gobolka Gedo, halka gobolada dariska la ahna ay dadka qaar sheegayaan in ay jirto saan saan cunto yari iyo biyo la,aan ah.

Abaarti ugu xumeyd ee qarnigaan ku dhifata Soomaaliya ayaa aheyd tii sanadki 2011-ki markaas oo ay kumanaan kun oo ruux u dhinteen cunto la,aan, waxaa taasi ay keentay in aduunka uu usoo gurmado.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Puntland

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS