NISA oo soo bandhigtay Koox Qorsheyneysay Weerar lagu qaado Xarunta CID

Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku soo bandhgtay Koox Qorsheyneysay Weerar lagu qaado   Xarunta Dambi baarsita ee Ciidamada Booliska ee CID.

NISA oo soo bandhigtay Koox Qorsheyneysay Weerar lagu qaado Xarunta CID

Kooxda ayaa ka Koobneyd 7 Ruux,kuwaas oo mid kamid ah uu Qorsheynayay inuu isku Qarxiyo Xarunta asagoo adeegsanaya Gaari Rinood ah iyo sidoo kale 5 ruux oo doonayay in ay Weerar toos ah xarunta ku qaadaan markii uu Qaraxu dhaco ka dib,kuwaas oo iyaguna adeegsanaya Gaari Caasi ah

Ninka kale oo  magaciisa lagu sheegay Sayid Cali ayaa Hay’addu ay sheegtay inuu dajiyay Qorshe la doonayay in lagu Weeraro Xarunta Dambi baarista Ee Magaalada Muqdisho islamarkaana lagu qabtay Nashqada lagu Weerarayo Xarunta.

Kooxdaan ka tirsan Shabaab ee gacanta ugu jira Hay’adda NISA ayaa la sheegay in Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ay ka hortageen inta aysan Fulin Weerarkaan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  NISA

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS