Dowladda Federaalka oo joojineyso duulimadyadii Muqdisho iyo Hargeysa

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in si KMG loo joojinayo duulimaayadii diyaaradaha ee Muqdisho iyo Hargeysa.

Dowladda Federaalka oo joojineyso duulimadyadii Muqdisho iyo Hargeysa

Taliyaha Laanta Socdaalka Jen, C/llaahi Gaafow oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ku eedeeyay Maamulka Somaliland in dadka ku khasbayaan inay goostaan waraaqo dal ku gal ah (Go Home), isla markaana lacago badan looga qaado.

Waxaa uu amar ku siiyay Shirkadaha duulimaadyada in muddo 21 cisho ku joojiyaan duulimaadyada, taasoo ka bilaabameysa 22-ka bishan Febraayo.

“Hadii duulimaadyadii gudaha dadka lagu qasbayo inay goostaan Go Home, lacago badan laga qaadayo, uma dulqaadan doono, waxaa shirkadaha ku amarnay inay duulimaadyadii Hargeysa iyo Muqdisho joojiyaan, inta laga xalinayo caqabadahaas”ayuu yiri Jen. Gaafow.

Somaliland ayaa dadka ka soo jeeda Gobolada Koofurta Soomaaliya ku amartay inay qaataan Fiiso ama ogolaansho si ay ugu noolaadaan deegaanadeeda.

Si kastaba ha ahaatee amarkan ka soo baxay Waaxda Socdaalka ayaa waxaa uu saameyn ku yeelanayaa isu socodkii labada dhinac, iyadoo maalin walba magaalada Muqdisho ka baxaan illaa saddex duulimaad oo ku sii jeeda Hargeysa.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Duulimaadki Hargeyso joojisay oo Soomaaliya Sowlada

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS