Dowladda Soomaaliya ayaa baareysa diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines, taasoo shalay deg deg dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho, kadib muddo sodon daqiiqo ku dhow oo hawada ku jirtay, diyaarada ayaa soo degtay, iyadoo dhinac ka mid ah uu ka muuqday duleel weyn.