7 entries

Articles Published on January 21, 2016

Wasaaradda Maaliyadda oo qabatay dood ku saabsan Miisaaniyada sanadkan 2016

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay madal looga doodayo miisaaniyadda qaran ee 2016, waxaana madasha ka soo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan, iyadoo dadka ku nool daafaha caalamku ay uga qayb qaadanayeen khadka telefoonada, Facebook, iyo Twitter, si ay wax badan uga ogaadaan qaabka ay miisaaniyadu u soo xarooto, meelaha ay ka kala timaado iyo qaabka ay u baxdo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqasho ku jooga Magaalada London

Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa booqasho ku jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Sawirada Askartii Kenyanka ee lagu dilay weerarkii Ceel-Cadde

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirada askartii ka tirsanaa Ciidamada Kenya ee lagu dilay weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay saldhig ku lahaayeen.

Wafdiyo ay kala horkacayaan RW Sharm'arke iyo Wasiirka Difaaca Jabuuti oo Beledweyne Gaaray

Waxaa goor-dhaw soo gaaray degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wafdiyo ay kala hogaaminayaan RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke iyo Wasiirka difaaca Jabuuti Xasan Dharaar Hufane.

Madaxweynaha: “Amniga waa tiirka aasaaska u ah horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya”

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Ciidammada ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirey dufcaddii 3-aad iyo qeybtii ugu horeysay ee ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska ee dugsigan ka qalin jebiya.

Madaxweynaha oo ka qeyb galay Xuska Maalintii la qoray Farta Soomaaliga

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad lagu Maamuusayo markii la qoray Farta Soomaaliga oo ah 21-ka Janaayo 1973-dii iyadoo ay ka soo Wareegatay 43 Sano.

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ka dhacay xeebta Liido

Wararka ka imanaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xeebta Liido ayaa sheegaya in  qaraxa kadib koox hubeysan ay gudaha u galeen baararka ku yaal xeebta Liido.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS