4 entries

Articles Published on January 4, 2016

Aadan Saransoor “IGAD dhex dhexaad kama ahan waxa ka socda Ceelbarde”

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii dhowaan gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ku eedeeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay xiisad ka abuureen degmada Ceelbarde, halkaasoo dhowaan looga dhawaaqay Maamul lid ku ah kan Koofur Galbeed.

Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug oo sheegay inuu isku day dil ka bad-baaday

Wasiir kuxigeenka Gaadiidka cirka iyo dhulka Maamulka Galmudug C/samad Yuusuf Cilmi ayaa sheegay in maalmo ka hor uu ka bad baaday isku day dil, xilli kooxo hubeysan oo gaari wadatay ay ku weerareen magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab oo saaka dagaal kula wareegay deegaanka War-Maxan

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii dagaal culus ku qaaday deegaanka War-Maxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo fariisin ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Meydka Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo lagu wado in lagu aaso deegaan ku dhow Halgan

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya inay ka socoto qaban qaabada aaska Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo shalay u geeriyooday xanuun wadnaha ah, iyadoo Guddi loo saaray qaban qaabada aaskiisa ay ka arinsanayaan qaabka uu u dhacayo aaska.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS