Ciidamada Nabadsugida oo Baraawe ka baadigoobaya Sarkaal la socday ninkii Mareykanka ahaa

 Ciidamada Nabadsugida ayaa la sheegay inay ka wadaan degmada Baraawe iyo deegaanada ku dhow dhow howl gal ballaaran oo lagu baadigoobay Sarkaal la sheegay inuu la socday Ninkii Mareykanka ahaa ee dhowaan isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Nabadsugida oo Baraawe ka baadigoobaya Sarkaal la socday ninkii Mareykanka ahaa

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada ayaa dad badan ku soo qab qabtay howl galkaas, iyadoo tan iyo shalay xaafadaha Baraawe uu ka socday howl gal lagu raadinayo ninka la socday Abdimalik Jones oo 6-dii bishan isku soo dhiibay ciidamada dowladda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Abdimalik Jones oo Arbacadii la keenay Muqdisho uu sheegay inuu la socday nin kale, waxaana loo maleynayaa in ninkaas uu ku dhuumaaleysanayo Baraawe iyo nawaaxigeeda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Xuseen Shiine ayaa sheegay in ciidamada NISA ay baaritaano ka wadaan Baraawe iyo deegaanada ku dhow dhow, lana raadinayo nin kale oo la socday Abdimalik Jones oo ahaa Mareykan madow ah, kuwaasoo ka soo baxsaday Al-Shabaab.

“Ciidamada NISA ayaa baaritaano ka fulinaya Baraawe iyo deegaanada ku dhow dhow, sida Ambareeso, waxaa la raadinayaa nin ka mid ah kooxaha nabad diidka ah, sida uu sheegay ninkii Mareykanka ahaa ee isa soo dhiibay inuu la socday nin kale oo ahaa Sarkaal Soomaali ah”ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo aan sheegin magaca Sarkaalkaas.

6-dii bishan ayay aheyd markii Abdimalik Jones oo ahaa dagaalyahan Mareykan ka bar bar dagaalamayay Al-Shabaab uu isu soo dhiibay ciidamada dowladda, waxaana uu sheegay inuu ka soo baxsaday Al-Shabaab oo doonayeen inay dilaan, isla markaana rag badan oo saaxibadiisa ay dileen.

Al-Shabaab ayaa dhowaan ku hanjabay in cid kasta oo kala qeybineysa ay iska qaban doonaan, iyadoo dagaalyahano ka goostay ay taageereen Daacish, waxaana qaarkood la sheegay in la dilay.

Daacish ayaa ku eedeysay Al-Shabaab inay dishay rag ka soo goostay oo ku soo biiray, waxaana ka mid ahaa raggaas Nin Sudani ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ibraahim Makawi oo madaxiisa uu dul saarnaa lacag dhan 5-milyan oo doollar, markii uu dilay Siyaasi Mareykan ah.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Baraawe

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS