Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ku dhaawacantay qarax loogu xiray gaari ay wadatay

Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid ah Wariyeyaasha Raido Muqdisho iyo SNTV ayaa goor dhow ku dhaawacantay qarax loogu xiray gaarigeeda, xilli ay ka soo baxday Jaamacad ay dhigeyneysay.

Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ku dhaawacantay qarax loogu xiray gaari ay wadatay

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Isgoyska KM4, iyadoo qaraxa uu waxyeelo ka soo gaaray iyada keligiid oo gaariga saarneyd, sida ay goob joogayaal sheegeen.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Hindiya Xaaji Maxamed dhaawaceeda uu yahay mid culus.

Hindiya Xaaji Maxamed ayaa ka mid ahaa gabdhaha wariyeyaasha ee ka howl gala Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda ee SNTV, waxaa seygeedu uu ahaa allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur oo sanadkii 2012 lagu dilay weerar lagu qaaday maqaaxida The Village ee gurigii Hooyooyinka, isaga iyo C/sataar Daahir Sabriye oo labaduba ka shaqeyn jireen Telefishinka SNTV.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Section  Somali
Category   Local News
Tags  dhaawacay lagu muqdisho Wariye

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS