120 entries

Articles Published in December, 2015

Madaxweynaha Puntland oo aqbalay qodobadii uu Ra’iisul Wasaaraha soo jeediyay

Waxaa goor dhow soo gaba gaboobay kulan u socday Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo kulankan goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo odayaal dhaqameedyo oo qeyb ka ahaa waan waanta laga dhex wado Puntland iyo Galmudug.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’urso ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo, si uu uga qeyb qaato dadaalada nabadeed ee lagu xalinayo xiisada dagaal ee wali ka jirta magaalada.

Shariif Xasan “Waxaa rabnaa reer Gaalkacyo in wixii dhacay xalay dhalay laga noqdo”

 Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay dadka reer Gaalkacyo inay nabad gaaraan, isla markaana si shuruud la’aan labada maamul u qaataan baaqa nabadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka Gaalkacyo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka Gaalkacyo, isagoo cadeeyay in dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto sidii loo xalin lahaa iyo sidii nabad loo gaari lahaa.

Booliska sida gaarka ah u tababaran oo howl gallo ka sameeyay degmada Huriwaa (Sawirro)

Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran iyo Ciidamada Booliska qeybta gobolka Banaadir ayaa xalay howl gal ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Huriwaa, iyadoo ciidamada ay mid mid u baarayeen guryaha.

Wada hadalo fool ka fool ah oo maanta la isugu keenayo Madaxda Puntland iyo Galmudug

Wada hadalo la doonayo in si fool ka fool ah la isugu hor-keeno Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Gaalkacyo, iyadoo la filayo in wada hadaladaas laga soo saaro war murtiyeed lagu soo afjarayo colaada Gaalkacyo.

Duqeyn loo maleenayo inay fulisay diyaarad Drone ah oo xalay ka dhacday Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah xalay fiidkii ka dhacday deegaanka Kuunyo-barow oo 90-km dhanka koofur galbeed ka xigta degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ku dhaawacantay qarax loogu xiray gaari ay wadatay

Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid ah Wariyeyaasha Raido Muqdisho iyo SNTV ayaa goor dhow ku dhaawacantay qarax loogu xiray gaarigeeda, xilli ay ka soo baxday Jaamacad ay dhigeyneysay.

Dagaal mar kale dib uga qarxay Gaalkacyo iyo heshiiskii nabadeed oo fashilmay

Dagaal ayaa goor dhow dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Puntland iyo Galmudug, maalin kadib markii heshiis nabadeed madaxda labada maamul saxiixeen.

Madaafiic culus oo ku hoobanaya xaafadaha magaalada Gaalkacyo iyo dagaal wali socda

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in madaafiic culus ay ku hoobanayaan xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo, iyadoo iska hor imaadka uu socdo muddo ku dhow saddex saacadood.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS