116 entries

Articles Published in November, 2015

Maamulka Galmudug oo Maamul cusub u sameeyay degmada Caabudwaaq (Sawirro)

Maamulka Galmudug ayaa maamul KMG ah u magacaabay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga Galgaduud, kaasoo noqonaya maamulkii u horeeyay ee heer degmo oo ay soo magacawdo, tan iyo markii Maamulka Galmudug lagu dhisay Cadaado .

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo goor dhow lagu dhaawacay Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhoweyd lagu dhaawacay agagaarka bacadlihii hore ee degmada Xamar weyne.

Ciidamada NewBolis ee dalka Ethiopia oo la sheegay in ay dileen dad rayid ah

Duqeyda dhaqanka iyo waxgarad ka soo jeeda gobolada Galbeedka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay ciidamada ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee New Boolis inay laayeen dad rayid ah oo xoolo dhaqato.

Ahlusunna iyo warbaahinta Galguddud oo khilaaf hor leh soo kala dhex galay

Wararka ka imanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in mar kale deegaanada uu maamulo Ahlu Sunna uu warbaahinta ka howlgasha ku soo rogay amaro iyadoo warbaahintuna ay diiday in ay aqbasho amaradaas.

Ilaalada Hotel ku yaal Muqdisho oo gacanta ku dhigay nin xirnaa dharka dumarka iyo rag kale

 Ilaalada Hotelka Wehliye oo ka mid ah hotelada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa qabtay saddex ruux oo la sheegay in mid ka mid ah uu dharka dumarka xirnaa.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka Dhageyso

Gabar Soomaaliyeed oo lagu kufsaday jaziirada Nauru oo loo oggolaaday in lagu daweeyo Sydney

Haweeney Soomaaliyeed oo lagu kufsaday jasiirada Nauru Abyan ayaa loo oggolaaday in la geeyo dalka Australia si halkaas loogu soo daweeyo.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo la kulmay Madaxweynaha Kenya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay kulan kula qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta aqalka Madaxtooyada ee Harambii House ee magaalada Nairobi.

Xaalada Caasimada Bujumbura oo kacsan iyo dad badan oo ka qaxaya

Xaalada Caasimadda Bujumbura ee dalka Burundi ayaa aad u kacsan, iyadoo dad badan ay bilaabeen inay ka qaxaan, kadib markii ay sii korortay xasilooni darida ka jirtay magaalada tan iyo bishii April ee sanadkan.

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo saaka lagu aasay Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo shalay kooxo hubeysan ay ku toogteen magaalada Muqdisho.Xildhibaanka oo lagu aasay qubuuraha Isbitaalka Madiina ayaa waxaa aaskiisa ka qeybgalay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamanka, Jeylaani Nuur Ikar, ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiir ku xigeenka Wasaaradda C/llaahi Colaad Rooble, Xildhibaanno iyo ehelada Xildhibaanka.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS