116 entries

Articles Published in November, 2015

Dowladda Ruushka oo xayiraad ku soo rogtay Ganacsiga uga yimaada Turkiga

 Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabateyn xaga dhaqaalaha ah ku soo rogtay Turkiga, taasoo oo ay uga aar-gudaneyso diyaaradii laga soo riday Talaadadii la soo dhaafay.

Wasiir Diinii “Ciidanka Xoogga dalka qeyb kama ahan dagaalka Gaalkacyo”

 Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyay in ciidamada xoogga dalka ay ku lug leeyihiin dagaalka Gaalkacyo ku dhex maraya Maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib markii Puntland ay sheegtay in dagaalada ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo ka tirsan xoogga dalka.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
RIIX HALKAAN SI AAD U DHAGEYSATO

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano ayaa xalay Koofurta Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay gelinkii dambe soo gaaray Gaalkacyo.

Mahad Salaad “Dowladda Federaalka qeyb kama ahan mushikada ka jirta Gaalkacyo, xalinteeda ayay wadaa”

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad ayaa beeniyay eedeyn ka timid Maamulka Puntland oo ahaa in dagaalka Gaalkacyo ay qeyb ka tahay dowladda Federaalka, isagoo cadeeyay in dowladda aanay qeyb ka aheyn, balse ay qeyb ka tahay xalinta mushkilada ka dhex jirta Puntland iyo Galmudug.

Shirka looga hadlayo is bedelada Cimilada oo ka furmaya magaalada Paris

Shirka Qaramada Midoobey ee Is bedelka cimilada ayaa maanta ka fumaya magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana ka qeyb galaya illaa 150 hogaamiyeyaal ka socda Caalamka.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS