Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabateyn xaga dhaqaalaha ah ku soo rogtay Turkiga, taasoo oo ay uga aar-gudaneyso diyaaradii laga soo riday Talaadadii la soo dhaafay.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyay in ciidamada xoogga dalka ay ku lug leeyihiin dagaalka Gaalkacyo ku dhex maraya Maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib markii Puntland ay sheegtay in dagaalada ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo ka tirsan xoogga dalka.