Kurdiyiinta oo bilaabay weerar ay ku doonayaan in ay dib ugu qabsadaan magaalada Sinjar

Kumanaan dagaalyahan oo Kurdish ah ayaa bilaabay maanta howlgal ay magaalada waqooyi ee Ciraq ee Sinjar dib ugaga qabsanayaan kooxda Daacish.Ururka Daacish ayaa Sinjar qabsatay bishii August ee  2014-kii, iyaga oo argagax geliyey dadka laga tirada badan yahay ee Yazidi-ga, kumanaan ka mid ahna ku qafaashay buuraha.

 

Kurdiyiinta oo bilaabay weerar ay ku doonayaan in ay dib ugu qabsadaan magaalada Sinjar

Ficilladaas waxay ahaayeen kuwii horseeday duqeyntii ugu horreysay ee in ka badan shan kun oo duqeyn oo ciidamada xulufada uu Maraykanka hoggaamiyo ay ka fuliyeen Ciraq.

Bayaan kasoo baxay Kurdish-ka ayaa lagu sheegay in 7,500 oo Kurdish ah ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan Sinjar, islamarkaana gooyaan waddo muhiim ah oo Daacish wax loo mariyo.

Ciidamada Isbaheyiga ayaa iyaguna weeraro dhinaca cirka ah toddobaad ka waday Sinjar, si ay u gacan siiyaan Kurdish-ka.

Sinjar ayaa waxa ay ku dhinac taalla waddo weyn oo isku xirta magaalada Daacish ay haysato ee Mosul iyo magaalada galbeedka Syria ku taal ee Raqqa.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Ciraaq

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS