Nin Maraykan madow ah oo magangalyo weydiistey Canada cabsi uu ka qabo in loo dilo midabkiisa awgeed

Muwaadin Maraykan ah ayaa weydiistay magangalyo dalka Canada kadib markii uu ku yimid fasax magaalada Vancouver bishii September, isagoo sheegay in booliska Maraykanka ah inay dilaan midabkiisa madow awgiis.

Nin Maraykan madow ah oo magangalyo weydiistey Canada cabsi uu ka qabo in loo dilo midabkiisa awgeed

Sida ay baahisay   CBC Kyle Canty oo 30 jir ah ayaa u sheegay guddiga qaabilsan qaxootiga bishii Oktoobar 23keedii “Waxaan u baqayaa nafteyda sababtoo ah waxaan ahay Madow, waana cabsi weyn oo I haysa.” Canty ayaa tusaale u soo qaatay toogashadii Michael Brown ee lagu diley Missouri iyo dilkii kale ee e

Ninkan dhalinyarada ah ayaa u soo bandhigay dowlada Canada warbixino ay ka qoreen saxaafada iyo cajalad muuqaal illaa lix gobol oo dalka Maraykanka ka mid ah oo uu ku noolaa kuwaasoo ciidamada Booliska iyo ninkan ay iska horyimaadeen.

Waxaa lagu xirey magaalada Salem,Oregon kadib markii muddo labo saacadood ah uu ku hadlayay talefan uu isticmaalayay goob laga raaco gaadiidka basaska ah.

 “Dhow mar ayaa la I xirey wayna I dhibtay magacaygana waa ay burburiyeen iyagoo xarig aan sharci ahayn marwalba la I xirayo.” Ayuu yiri Canty.

Dalka Maraykanka aayaa waxaa ay ku noqonaysaa wajigabax ninkan dhalinyarada ah oo ugaga cararay dalkiisa midabka awgeed, waxana ay arrintan ku soo beegantay xilli dalka Maraykanka uu madax ka yahay Madaxweyne ka soo jeeda dadka madow.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  nin-madow

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS