Diblomaasi Kenyan ah oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Hotel Saxafi

Diblomaasi Kenyan ah ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Diblomaasi Kenyan ah oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Hotel Saxafi

War kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in Diblomaasi Kenyan ah uu ku dhintay weerarkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa si rasmi ah u faah faahin shaqada uu hayay Diblomaasiga iyo magaciisa.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa xaqiijisay inay nabad qabaan diblomaasiyiintooda ku sugan magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii shalay ee Hotel saxafi, iyadoo dabley ka tirsan gudaha u galeen Hotelka, dabadeedna toogasho ka geysteen.

In ka badan 15 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, waxaa dadka dhintay ku jira Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo horay Wasiir u soo noqday, Abaanduulihii hore ee Ciidamada xooga dalka Jen. Dhegabadan iyo Milkiilihii Hotelka C/rashiid Ilqeyte.

Hotelka Saxafi ayaa ka mid ahaa hotelada ugu caansan magaalada Muqdisho, isla markaana uu amnigiisa wanaagsanaa, waxaana sanadkii 2009 Hotelkaas lagu afduubtay labo sarkaal oo faransiis ahaa, kaasoo mid ka mid ah ku dhintay howl gal Ciidamada Kumandooska Faransiiska ku soo furan rabeen horaantii sanadkii 2013 deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose

Section  Somali
Category   Local News
Tags  hotelka qaraxii Saxafi

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS