116 entries
Articles Published in November, 2015
Wasiirka Arrimaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ka hadlay sababtii ka dambeysay in 14 xubnood looga dhigay Guddiga farsamada maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo cadeeyay in arrintaas la tashi kala sameeyeen Madaxda dowladda iyo saxiixayaasha heshiiska maamul u sameynta labada Gobol.
Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa kulan kula yeeshay xarunta Safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho Safiirka u fadhiya Soomaaliya Danjire Harriett Mathews. Waxaana ay ka wada hadleen taageerada ay Boqortooyada Ingiriisku siiso Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed. Iyadoo ay isku afgarteen in la kordhiyo tirada iyo taakuleynta ay siiyaan Ciidanka Xoogga dalka.