5 entries

Articles Published on October 28, 2015

Sawirro: Madaxweynaha oo soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyay Qasriga Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudiga ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Qasriga Madaxtooyada magaalada Riyadh oo uu degan yahay Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

Kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka oo maanta lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

 Kulan howleed ku aadanaa dib u eegista Dastuurka, kaasoo ay soo agaasintay Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulankan goob joog ka ahaa  Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-xanaf, Wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, xildhibaano, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb. Nickolas Kay iyo weliba khubaro caalami ah oo ku xeel dheer arrimaha Dastuurka.

Wasiir kale oo iska casilay Xukuumadda Somaliland iyo Siilaanyo oo Wasiiro cusub magacaabay

Khilaafka Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa cirka sii galay, iyadoo ay Wasiiro hor leh iska casilayaan xilalkooda, waxaana goor dhoweyd magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inuu is casilay Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof. Faarax Cilmi Maxamuud Geedoolle.

Feysal Cali Waraabe oo ka digay bur bur ku yimaado Xisbiga talada haya ee Kulmiye

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ka digay bur bur ku yimaada Xisbiga Kulmiye ee haya talada Maamulka Somaliland, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya xisbigaas ee ku aadan loolanka dhinaca hogaanka.

DEG DEG: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo goor dhow is casilay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa goor dhow kaga dhawaaqay magaalada Garowe inuu iska casilay xilkii uu hayay.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS