Ra’iisul Wasaaraha oo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha looga hadlayo shirka wada tashiga 2016

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa faah faahin ka bixiyay shirka madasha wada tashiga qaran ee doorashooyinka sanadka 2016 ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoolka weyn ee shirkan uu ka furmay ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha oo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha looga hadlayo shirka wada tashiga 2016

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirka maanta aan la isla meel dhigi doonin nooca ay u dhaceyso doorashada sanadka 2016, balse arrintaas lagu go’aamin doono fikrado iyo talooyin laga soo uruuriyo shacabka, isla markaana dib loogu soo celin doono madasha bisha December ee soo socota.

“Uma joogno halkan inaan maanta ka doodno qaabkee ugu fiican ee la qaataa, taas taladeeda waxaa laga soo uruurinayaa dalka oo dhan, gobolada oo dhan, Caasimadda, dowlad goboleedyada, markii la soo uruuriyo fikirka iyo aragtida ayaa waxaa lagu soo celin doonaa madasha bisha December, markaas ayaa laga doodi doonaa waa maxay qaabka ugu wanaagsan ee la qaadan karo iyo sida looga gudbayo 2016″ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wsaaaraha ayaa sheegay in la soo bandhigayo hab raaca iyo shaqada la qaban doono, waxaana uu tilmaamay in guddiyada farsamada ee howsha wadaya ee ka qeyb qaadanaya wada tashiyada ay ka kala imaanayaan Xukuumadda, Baarlamaanka, Xafiisyada Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xafiiskiisa, shan wasiir xukuumadda ah, wasiiro ka socda dowlad goboleedyada, waxaana uu xusay in dhaman ay wada shaqeyn doonaan, isla markaana shirar ka qaban doonaan gobolada waqtiyo isku mid ah, si lagu cabiro fikirka umadda Soomaaliyeed

“Dabcan shirka waxaa loo qaban doon qeyb umadda matasha oo ka qeyb qaadanaya, waxay ka imaanayaan dowlad goboleedyada, dalka gudihiisa iyo dibadiisa, wada tashigaas ayaana soconaya, waxaa loo baahan yahay qaabka ugu wanaagsan ee dalka 2016 looga tallaabsan karo, hadii baarlamaanka tiro badan la siiyo iyo dowlad goboleedyada macno ay sameyneyso ma jirto waxaa loo baahan yahay in la gaaro muwaaqafo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalka uu ka baxay KMG, isla markaana aan marna lagu shaqeyn doonin wixii horay looga soo shaqeeyay, isagoo tilmaamay inay dhamaatay waqtigii saxiixayaasha ay dadka u talinayeen, isla markaana ay haatan dib ugu soo celiyeen shacabka taladooda.

“Hadii ay qabsoomi weysay doorasho qof iyo cod waa maxay waxa ku xiga ee ugu wanaagsan aan ugu tallaabsan karno 2016 taaas ayaa wada tashigeeda noqday mid dastuuri ah, meeshan wax la yiraahdo saxiixayaal ma jiraan, hadii ay jiraan dadka kale looma bandhigeen wada tashiga hada bilowda waxaa la go’aamin doono umadda soomaaliyeed taladeeda waxaa lagu saleynayaa dastuurka, talada dadka ayaa loo soo bandhigayaa, anaga mas’uuliyiin nahay inaan ku socono muwaafaqo ayaa nagala rabaa”ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Shirkan wada tashiga ayaa la filayaa in maalinta berri la soo gaba gabeeyo, lagana soo saaro war murtiyeed ku aadan sidii fikrado iyo talooyin looga uruurin lahaa shacabka, kaasoo ku saabsan qaabka ugu haboon ee looga gudbi karo 2016, isla markaana doorasho ka duwan tii 2012 dalka uga dhacda.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Raiisul Wasaaraha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS