Boko Haram oo ugu baaqday Al-Shabaab inay ku biirto Daacish

 Kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria ayaa ugu baaqday Al-Shabaab inay ku biiraan Kooxda la magac baxday IS, isla markaana isaga baxdo midowga Al-Qaacida.

Boko Haram oo ugu baaqday Al-Shabaab inay ku biirto Daacish

Muuqaal la soo dhigay bogga Twitter ee taageera Boko Haram ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ku soo biirto IS, si loogu midoobo jebinta waxa loogu yeeray gaalada adduunka.

Sida ay baahisay Telefishinka FOX ee laga leeyahay Mareykanka IS ayaa muddooyinkii u dambeeyay u gacan haatineysay Al-Shabaab, si ay ugu soo biirto.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii faracyada IS ee Ciraaq, Suuriya, Gacanka Sinai ee Masar iyo Yemen ay fariin wada jir ah soo saareen, iyagoo ugu baaqay Al-Shabaab inay ku soo biirton.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa dad kor u dhaafaya sodon ruux oo ajaaniib iyo soomaali isugu jirta ku xir xirtay degmada Jilib, kuwaasoo lagu tuhmayo inay meelo kala duwan ku daadiyeen waraaqo lagu taageerayo IS ama Daacish.

Waraaqahan ayaa ku qornaa erayo lagu taageerayo Dowladda Islaamiga, waxaana sidoo kale isugu yeereen dadkii daadiyay Wiilashii Khilaafada.

Al-Shabaab ayaa dhowaan soo saaray amar ah in aan la jeedin karin khudbado aan fasax looga heysan Xafiiska Warbaahinta, iyadoo soo baxayeen khudbado laga jeedinayay masaajidada oo ku saabsanaa in lala midoobo Daacish.

Dhamaadkii bishii hore Al-Shabaab ayaa degmada Jamaame ku xirtay ilaa shan ruux oo ajaaniib ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay khudbado ka jeediyeen masaajidada, kaasoo lagu taageerayo Daacish.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Boko Xaraam

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS