4 entries

Articles Published on October 9, 2015

Hay’adaha gargaarka oo ka digey roobabka deyrta inay sababaan fatahaado

Roobabka El Nino ayaa laga cabsi qabaa inay si weyn waxyeello u soo gaarsiiyaan Somalia inta u dhaxaysa October iyo December ee sanadkan.

Kulanka Golaha Wasiirada oo maanta lagu ansixiyay siyaasada naafada qaranka (Sawirro)

Xubnaha golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Siyaasada Dowladda ee Naafada Qaranka, qorshe ku aadan horumarinta dalxiiska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Puntland oo Nairobi kulamo kula leh Safiirada Beesha Caalamka

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa kulamo kula qaatay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo safiirka Sweden ee dalka Soomaaliya.

Dib u habaynta Lacagta Shillin Soomaaliga iyo soo daabicida lacag cusub oo laga hadlay

Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Guddiga Maamulka Maaliyadda ee dowladda Soomaaliya iyo khubaro ka socota hay’ada lacagta IMF ayaa looga dooday qaabka ugu haboon ee lacag shilin Soomaali ah dalka loogu samayn lahaa, dhibaatooyinka ka dhalan kara hadii la soo daabaco lacag been abuur ah iyo wada tashi balaaran oo laga yeesho habka loo wajahayo samaynta lacag shilin Soomaali ah oo cusub.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS