NUSOJ oo cambeereysa shaqo joojinta Xafiiska Telefishinka Universal ee Muqdisho iyo xariga wariyeyaal

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay xarigga qaar ka mid ah maamulka sare ee Telefishinka Universal iyo shaqo ka joojinta lagu sameeyay xafiiska telefishinka ee Muqdisho, isla markaana ku baaqay in xorriyadooda dib loogu soo celiyo, loona ogolaado in telefishinka shaqadiisa dib u bilaabo

NUSOJ oo cambeereysa shaqo joojinta Xafiiska Telefishinka Universal ee Muqdisho iyo xariga wariyeyaal

Cawil Daahir Salad oo ah daadiyaha barnaamijka Doodwadaag iyo Cabdullahi Xersi oo ah agaasimaha Bariga Africa ee Telefishinka ayaa waxaa looga yeeray Xarunta Nabadsugidda Gobolka Banaadir, su’aalana halkaa lagu weydiinayay.

Xafiiska Universal ee Muqdisho ayaa xaqiijiyay inay xiran yihiin labada xubnood ee ka tirsan Maamulka sare ee Telefishinka Universal.

Cawil Daahir iyo C/llaahi Kulmiye ayaa waxaa looga wacay Xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir, waxaana markii dambe laga warhelay taleefanadooda gacanta oo dansanaa, iyadoo markii dambe la xaqiijiyay xarigooda.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo MaamulkaI Universal xafiiska Muqdisho ayaa NUSOJ u sheegay in sababta loo xiray ay uga shaki qabaan inay la xiriirto barnaamij ka baxay telefshinka, gaar ahaan barnaamijka Doodwadaag oo uu Cawil Dahir daadihiye ka yahay.

Abdiasis Ibrahim Axmed, tifaftiraha Telefishinka Universal ee Xafiiska Muqdisho ayaa NUSOJ u sheegay in ciidamada Nabadsugidda ay ku bixiyeen amar in xarunta aanay wax shaqo ah qaban Karin ilaa amar dambe, kuna amray waardiyayaasha in ay demiyaan nalalka banaanka.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed xarigga weriyayaasha iyo shaqo ka joojinta lagu sameyay xafiiska Telefishinka, waxa uu ku baaqayaa in laga joojiyo su’aalo weydiinta lagu hayo Agaasimaha Universal iyo weriye Cawil Dahir, isla markaana xorriyadooda dib loogu soo celiyo.

“Waxaan codsaneynaa in saaxiibadeen xorriyadooda loo soo celiyo, loona ogolaado in xafiiska telefsihinka shaqadiisa dib u bilaabo, iyadoo la ixtiraamayo xoriyadda Saxaafadda” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Ibrahim, isagoona intaasi ku daray in xorriyadda saxaafaddu ay aas-aas u tahay horumarka bulsho walba oo horumarta.

Telefishinka Universal oo xaruntiisu tahay London ayaa ka mid ah Telefishinada afsoomaaliga ku hadla ee ugu caansan, waxaana horay u jirtay in la xiray xarumo ay ku lahaaayeen magaalooyinka qaar ee ay ka arimiyaan maamul goboleedyada.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Nusoj

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS