5 entries

Articles Published on October 3, 2015

Agaasimihii Bariga Afrika ee Taleefishinka Universal iyo saxafi caan ah oo la xiray

Agaasimihii taleefishinka Universal ee Bariga Afrika Cabdullahi Xirsi Kulmiye iyo saxafiga ruugcadaaga ah ee Cawil Daahir Salaad ayaa lagu xirey xarunta nabadsugida magaalada Muqdisho.

NUSOJ oo cambeereysa shaqo joojinta Xafiiska Telefishinka Universal ee Muqdisho iyo xariga wariyeyaal

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay xarigga qaar ka mid ah maamulka sare ee Telefishinka Universal iyo shaqo ka joojinta lagu sameeyay xafiiska telefishinka ee Muqdisho, isla markaana ku baaqay in xorriyadooda dib loogu soo celiyo, loona ogolaado in telefishinka shaqadiisa dib u bilaabo

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay dhismaha Ciidamo qaran oo hanta ammaanka dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan Dhismaha Ciidamo Qaran oo awood u leh inay hantaan awooda Dalka, iyaga oo kaashanaya dowladaha taageera Soomaaliy.

Wasiiraddii hore ee Batroolka Nigeria oo lagu xiray magaalada London

Wasiiraddii hore ee Batroolka Nigeria Alison-Madueke ayaa lagu xiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo xarigan loo sababeeyay arrimo musuq maasuq ah oo hey’ad caalami ah oo la dagaalanta musuq maasuqa ku soo eedeysay.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.  
Halkaan ka dhageyso
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS