122 entries

Articles Published in October, 2015

Madaxweynaha Nigeria oo sheegay inuu maamuli doono Wasaaradda Batroolka

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga ahaan doono Wasiirka Batroolka dalkiisa, kadib markii ay xaalad adag oo dhinaca dhaqaalaha uu dalkiisa soo wajahay.

Al-Shabaab oo la sheegay in xubno ka mid ah ajaaniibta ka bar bar dagaalanta ay ku xireen Jamaame

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xarakada Al-Shabaab ay ku xireen degmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose shan ka tirsan ajaaniibta ka bar bar dagaalanta.

Dowlada Maraykanka oo Arrime fuliye u soo magacowday Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa u soo magacowday arrimo fuliyaha cusub kaasoo u qaabilsanaaya arrimaha dalka Soomaaliya. Arrime fuliyahan cusub oo lagu magacaabo David H Kaeuper ayaa howlihiisiiba ka bilaabay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Calanka Falastiin oo laga taagay xarunta Qaramada Midoobay ee New York

Calanka Falastiiniyiinta ayaa markii ugu horreysay laga taagay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York kadib markii dhowaan cod loo qaaday .

Mareykanka oo mar kale muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Soomaaliya

Mareykanka ayaa mar kale uga digay Muwaadiniintiisa inay u safraan Soomaaliya, iyadoo wali ay jirto khatar dhinaca amniga ah.

Sagaal ruux oo ku dhimatay Toogasho ka dhacday Machad ku yaal Mareykanka

Nin hubeysan ayaa Machad ku yaal Gobolka Oregon ee dalka Mareykanka ku dilay illaa sagaal ruux, halka todobo kale uu dhaawacay.

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay iyo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray New York

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu shirkii Golaha Guud ee loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey iyo shirar kale uga qeyb galay magaalada New York.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Khudbada ka jeediyay Shirka Golaha Guud Ee QM

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Qudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee QM ,iyadoo uga hadlay Qudbadda Arrimo farabadan.

Agaasimihii Bariga Afrika ee Taleefishinka Universal iyo saxafi caan ah oo la xiray

Agaasimihii taleefishinka Universal ee Bariga Afrika Cabdullahi Xirsi Kulmiye iyo saxafiga ruugcadaaga ah ee Cawil Daahir Salaad ayaa lagu xirey xarunta nabadsugida magaalada Muqdisho.

NUSOJ oo cambeereysa shaqo joojinta Xafiiska Telefishinka Universal ee Muqdisho iyo xariga wariyeyaal

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay xarigga qaar ka mid ah maamulka sare ee Telefishinka Universal iyo shaqo ka joojinta lagu sameeyay xafiiska telefishinka ee Muqdisho, isla markaana ku baaqay in xorriyadooda dib loogu soo celiyo, loona ogolaado in telefishinka shaqadiisa dib u bilaabo
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS