Haweeney ka tirsanayd ciidamada Booliska oo lagu diley Muqdisho

Haweeney ka tirsanayd ciidamada Booliska isla markaana ka mid ahayd ganacsatada qudaarta ee suuqa Ansaloti magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu diley goobta ay ganacsiga ku lahayd.

Haweeney ka tirsanayd ciidamada Booliska oo lagu diley Muqdisho

Casuuro Cali oo ahayd haweeney caan ka ahayd degmada Xamar Jajab ayaa la sheegay in ay labo dhalinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado ay dileen kadibna baxsadeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Booliska hase yeeshee qaar ka tirsan ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga ayaa shaqooyin gaar ah qabta si ay noloshooda ugu maareeyaan maadaama aysan si joogta ah u heli karin mushaaraadka ay ciidamadu bixiyaan.

Degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho ayaa hore loogu diley dad ka tirsan dowlada isla markaana degenaa xaafado ka mid ah degmada Xamar-jajab.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  dilau Haweeney lagu Xamar

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS