Haweeney guddoomiye waaxeed ka ahayd degmada Xamar-jajab oo la diley

Kooxo hubaysan ayaa xalay degmada Xamar jajab toogasho ku dishay mid kamid ah guddoomiye waaxeedyada degmada.

Haweeney guddoomiye waaxeed ka ahayd degmada Xamar-jajab oo la diley

Haweenayda oo lagu magacaabo Siciido Sheekh Mursal, ayaa dhaawac ahaan goobta looga qaaday iyadoo markii dambe u geeriyootay dhaawacyadii soo gaaray.

Booliska Degmada Xamar-jajab oo dhacdadaan xaqiijiyay, ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan kooxihii ka dambeeyay dilka haweenaydaasi ayna rajo ka qabaan in ay gacanta ku soo dhigaan,

Ma jirto cid sheegatay dilka haweeneydan inkastoo hore dilka guddoomiye waaxeedyada magaalada Muqdisho ay sheegtaan ururka Alshabaab,                    .

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa hore loogu diley guddoomiye waaxeedyo iyo dad kale oo u shaqeynayay dowlada.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Jajab Xamar

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS