Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyay inay isticmaalaan awood ka baxsan waajibaadka AMISOM

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa lagu eedeeyay inay adeegsadaan awood dheeri ah oo ka baxsan howl galka AMISOM, kadib markii ay soo baxday in dhowaan ay fara geliyeen maamulo ka jira gobolada dalka.
Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyay inay isticmaalaan awood ka baxsan waajibaadka AMISOM
Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo dhowaan loo diiday inuu Gobolka Gedo tago ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ka dambeeyeen. “Ciidamada Itoobiya waxay isticmaalayaan awood ka dheeri ah kan AMISOM ay ku howl gasho, waxaa arrintan u sheegnay Xukuumadda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxay fara gelin ku hayaan maamulada gobolada dalka qaarkood”ayuu yiri Xildhibaan Magan Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda Federaalka ay arrintan wax ka qabato, isagoo xusay in hab dhaqanka Ciidamada Itoobiya uu u muuqdo mid gumeysi oo kale sida uu yiri. Guddoomiyihii Gobolka Gedo iyo siyaasiyiin kale oo dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in si qasab ah loo soo musufaariyay, isla markaana lagu xiray Doolow, loona hanjabay hadii ay diidaan heshiiskii Doolow. Dhinaca kale degmada Garbahaarey iyo deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa dhowaanahan ka jiray xasilooni dari iyo khilaaf ka dhashay maamulo la bedelay, kaasoo ay ku lug yeesheen Ciidamada Itoobiya, sida Odayaasha deegaanka ay sheegeen. Taliska AMISOM ayaa sheegay inay jiraan Ciidamo ka socda Itoobiya oo aan qeyb ka aheyn howl galka AMISOM, kuwaasoo caawinaya Ciidamada uga midka ah AMISOM.
Section  Somali
Category   Local News
Tags  amisom Ciidanka ee itobiya

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS