Xildhibaan Xoosh “Mooshinkan wax badan laga soo shaqeynayay lix bilood ayaa wada tashigiisa socday’

 Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ee shalay loo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xusay in mooshinkan ay muddo lix bilood ka soo shaqeynayeen, wada tashiyana ay baarlamaanka gudihiisa ka dhex wadeen.

Xildhibaan Xoosh “Mooshinkan wax badan laga soo shaqeynayay lix bilood ayaa wada tashigiisa socday’

Avv. Xoosh ayaa sheegay inay isla garteen in mooshin awooda looga xayuubinayo Madaxweynaha ay keenaan, kadib markii uu ku eedeeyay Madaxweynuhu ku xadgudbay dastuurka.

“Mooshinkan wax badan laga soo shaqeynayay, lix bilood ayaa waxaa wadnay wada tashi Baarlamaanka gudihiisa ah iyo xubnaha kala duwan ee bulshada, waxaa isla garanay inaan la sixi karin Madaxtooyada waxa ka socda, muddo saddex sano isku daynay, waxaa isla garanay in la keeno Mooshin lagu xayuubiyo awooda Madaxweynaha”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh oo u waramayay Idaacada BBC-da.

Mar weydiiyay tirada saxda ah ee gudbisay ayuu xusay in aany dooneyn inuu ka hor-dhaco, balse ay tiro sharciga waafaqsan ay gudbiyeen oo ah saddex meel labo mooshin oo ah sharciga dastuurka qori karo in mooshin ka keeni karaan Madaxweynaha.

“Cadeymo badan ayaa u heynaa oo uu Madaxweynuhu ku xadgudbay sida dastuurka ama xuquuqda aas aasiga bani’aadanimo, inay ku dhaqaaqeen musuq maasuq in fara gelin lagu sameeyo hey’adaha dastuurka ee loo baahnaa inay ka madax banaanaadaan, sida xukuumadda iyo garsoorka, awoodii fulinta ayay Madaxtooyada qaadatay”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa shalay loo gudbiyay Document ka kooban 9-bog oo ah mooshin laga soo gudbiyay Madaxweynaha, iyadoo ay ku qornaayeen qodobo aad u cuslaa oo ka dhan ah Qaranimada dalka, waxaana laga yaabaa in Guddoonka mooshinka u gudbiyo Maxkamadda sare, si ay u soo hubiso eedeymaha, kadibna marka uu soo cadeeyo Baarlamaanka loo soo gudbiyo, si loo bilaabo doodiisa.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  jariil xoosh

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS