Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka (Akhriso)

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka (Akhriso)

Qoraalka Mooshinkan oo ay heshay Jowhar.com ayaa ka kooban sagaal bog, waxaana Madaxweynaha loo cuskanayaa eedeymo ku aadan falal ku saleysan xadgudubyo culus oo lid ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Mooshinkan ay saxiixeen illaa 115 Mudane, waxaana sharci ahaan mooshinka ka gudbin kara Madaxweynaha 93 Xildhibaan.

Waxyaabaha Xildhibaanada ku eedeeyeen waxaa ka mid ah wax qabad la’aan, hogaan xumo xaga amniga iyo qodobo kale.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa galabta gacanta loo geliyay Mooshinkan, waxaana warar ay heshay Jowhar.com uu sheegayaa in laga yaabo inay Maxkamadda sare ee dalka u gudbiso, si ay u soo hubiso eedeymaha Madaxweynaha ay u jeediyeen Xildhibaanada, haddii ay soo xaqiijisana uu Baarlamaanka markaas dood gelin karo.

Hadaba halkan hoose ka akhriso nuqulada uu ka kooban yahay Mooshinkan:-

mooshin1Mooshin2Mooshin3Mooshin4Mooshin5Mooshin6Mooshin7Mooshin8Mooshin9

Section  Somali
Category   Local News
Tags  ah dhan ka Mooshin xasan

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS