120 entries

Articles Published in August, 2015

Qaar ka mid ah qoyska Osama bin Laden oo ku geeriyooday shil diyaaradeed ka dhacay Britain

Afar ruux ayaa ku geeriyootay kadib markii diyaarad yar ay ku burburtay Koofurta England iyadoo dadka waxyeelada ka soo gaartay ay ku jireen qaar kamid ah qoyska Osama bin Laden. 

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Itoobiya oo duqeymo ka geystay tuulooyin ku dhow Buurhakaba

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters ay duqeymo ka fuliyeen deegaano u dhow dhow degmada Buurhakaba.

Wiil yar oo Falastiin ah lagu gubay daanta Galbeed iyo Qaramada Midoobey oo cambaareysay

 Wiil 18 bilood jir Falastiin u dhashay ayaa nolosha lagu gubay dhulka ay heysato Yuhuuda ee daanta Galbeed, iyadoo falkan ay si kulul u cambaareysay Qaramada Midoobey.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

 Wararka aan idiin heyno waxaa ka mid ahCabudwaaq oo ay la wareegeen Ahlusuna iyo wasiirka Difaaca Soomaaliya oo shalay booqasha ku tagay iyo warar kale iyo Barnaamijka Dhacdooyinka
Halkaan ka dhageyso

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.  
Halkaan ka dhageyso

Axmed Madoobe “Anaga Soomaali midnimadeeda ka shaqeyneynaa ee ma noqoneyno kuwo…”.

 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay khilaafka maamulkiisa iyo dowladda Federaalka u dhaxeeya, isagoo xusay in arrinta la isku hayay ay aheyd tan guddiyada ay magacawday dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka oo loogu baaqay inay wax ka qabato Tacadiyada AMISOM.

 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabato tacadiyada ay Ciidamada AMISOM ka geysanayaan magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka Warfaafinta oo wax laga xumaado ku tilmaamay tiro Wariyeyaal u xiran Ahlusuna

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la xiro wariyeyaal gudanaya waajibaadkooda, isagoo baaq u diray Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna.

General Muqtaar Xuseen Afrax oo loo magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta digreeto ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay taliye ku-xigeenada ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ahlu Sunna oo sii deysay lix weriye oo ay ka howlgalayay magaalada Dhuusomareeb

Ururka Ahlu Sunna ayaa sii daysay shan saxafi oo ay xabsiga u taxaabtay kadib markii ay ku eedeysay inay baahiyeen warar been abuur ah. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS