Dowladda Soomaaliya oo maanta u gudbineysa Maxkamadda ICJ dacwad Badda ee ka dhanka ah Kenya

 Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbin doontaa Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ku taala magaalada The Hague dacwada ka dhanka ah Kenya ee ku aadan muranka Badda ee labada dal u dhaxeeya.

Dowladda Soomaaliya oo maanta u gudbineysa Maxkamadda ICJ dacwad Badda ee ka dhanka ah Kenya

Wafdi uu hogaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir oo gaaray magaalada Hague ayaa sheegay in maanta oo ah 13-ka July ay Maxkamadda ICJ u gudbinayaan dacwadooda ku aadan arrinta muranka Badda, isagoo ku eedeeyay dowladda Kenya inay ku xoo xadgudubtay Badda Soomaaliya.

Dr. Axmed Cali Dahir oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa rajo ka muujiyay in dacwadan ay guuleysan doono, isagoo xusay in dacwadan muddo labo sano ah laga soo shaqeynayay.

“Dacwadan muddo labo sano ah ayaa laga soo shaqeynayay, waxaan jeclaan lahaa in ummadda Soomaaliyeed inay dowladda ku kalsoonaadaan iyo dadka u matalaya dacwadda, waxaan ummadda ugu bishaareynayaa in dacwaddu ay tahay mid ay ku helayaan xaqooda, waxaana heysanaa kalsooni weyn oo ah in kiiskan uu yahay mid aan ku guuleysanayno” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Soohdinta_Badda_Soomaaliya_Kenya

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya qareeno caalami ah, iyadoo horay dowladda Federaalka uga soo saartay hadal cad oo ah in aysan gor-gortan geli karin badda Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda ICJ waxaa ay fursad u siisay in muddo 10-bilood gudahood kaga soo jawaabto dacwada ay soo gudbisay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Xurgufta u dhaxaysa labada dal ee deriska ah ayaa in muddo ah soo jiitamaysay, iyadoo aysan suurta gal noqonin in lagu xalliyo maxkamadda meel aan ahayn.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Dowlada Somalia

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS