Akhriso qoddobada uu Baarlamaanka Puntland ka soo saaray khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowlada Federalka

Baarlamaanka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday doodo uu ka yeelanayay muranka iyo khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Puntland, waxana uu maanta soo gabagabeeyay doodahooda iyagoo soo saaray shan qodob oo ay kaga soo horjeedaan go’aano uu Baarlamaanka Federalka gaaray iyo maamul goboleedka Galmudug.

Akhriso qoddobada uu Baarlamaanka Puntland ka soo saaray khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowlada Federalka

Guud ahaan shanta qoddob ee ka soo baxay iskuna raaceen Baarlamaanka Puntland ayaa cirka ku sii shareeraya khilaafkii hore uga dhexeeya dowlada Federalka iyo maamul goboleedka Puntland.

Go’aamada ay baarlamaanka Puntland gaareen ayaa ka koobnaa 5tan qodob waxayna kala ahaayeen.

1- Baarlamaanka dowladda Puntland wuxuu go,aan ku gaaray in dastuurka 6-da saxiix leh iyo xoghayaha guud ee QM oo maqraati ka ahaa uu yahay dastuurka rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aysan sharci ahayn.

2- Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu go,aan ku gaaray in xeerarka baarlamaanka federalku ansixiyey ee aan laga tashan dowlada Puntland insan sharci ahayn xeerarkaasi kana shaqayn karin dhulka Puntland iyadoo loo raacayo qodobka 111 ee dastuurka .

3- Baarlamaanka Puntland wuxuu go,aan ku gaaray inaysan sharci ahayn sadexda Guddi ee soo socda:-
A-Gudiga dib u eegista dastuurka dowladda federalka.
B-Gudiga Doorashooyinka.
C-Gudiga Xuduudaha iyo Arimaha Federalka.

4- Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu Go,aan ku gaaray in dhismaha dowlad Gobaleed aan waafaqsanayn dastuurka federalka qodobka 50-aad farqadiisa lixaad oo ah labo gobalka iyo wixii ka badan aysan Puntland aqoon sanayn.

5- Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu dib u eegis ku samaynayaa kalfadhiga bisha october hadii dowladda federalka ku adkaysato wax ka badalka dastuurka iyo hishiisyada la galay Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu go’aan ka gaari doonaa sii wada shaqaynta dowladda federalka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Puntland

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS