114 entries

Articles Published in July, 2015

Daawo Sawiradda: Munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho

 Waxaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho Munaasabadda 1-da Luulyo oo ah markii Gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur. 

C/wali Gaas “Xuduuda Puntland waxay noqoneysaa Godinlabe iyo Guriceel”

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa uusan aqbali doonin wax kasta ee ka soo baxa shirka Cadaado, isagoo xusay in xuduuda aanay noqon doonin Gobolka Nugaal.

Al-Shabaab oo soo bandhigtay weerarkii Leego iyo khasaarihii gaaray AMISOM (Sawirro)

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Sawirrada weerarkii todobaadkii hore ay ku qaaday xero ay degenaayeen Ciidamada Burundi ee ka tirsan howl galka AMISOM, halkaasoo lagu dilay kontameeyo askari oo ka mid ahaa ciidamada Burundi.

Madaxweyne Xasan “Dowladda Soomaaliya marna raali kama ah darbiga Kenya ka dhiseyso xuduuda”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka hadlay siyaasada, dhaqaalaha, muranka ku saabsan Badda iyo darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda. 

Cudurka Ebola oo markale ka dilaacay dalka Liberia

Ugu yaraan labo ruux ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Ebolaha markii ugu horeysay muddo toddobo toddobaad ah wadanka ku yaal Galbeedka Afrika ee Liberia.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug oo maanta Khudbado jeedinaya

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inay khudbad ku saabsan waxqabadkooda ka hor-jeediyaan Baarlamaanka Maamulka Galmudug, iyadoo 4-ta bisha lagu wado inay dhacdo doorashada Madaxweynaha.

Qaramada Midoobey oo cunaqabateyn ku soo rogtay Saraakiil ka tirsan Koofurta Sudan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Saraakiil sar sare oo u dhalatay Koofurta Sudan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay hurinayaan dagaalka ka socda dalkaas.

Ururka IS oo weeraray saldhigyada ciidamada Masar ee gacanka Sinay

Wararka ka imanaya dalka Masar ayaa sheegaya in weeraro silsilado ah ay maleeshiyaadka ka tirsan ururka IS ku qaadeen saldhiyo ay ciidamada Masar ku lahaayeen gacanka Siinaay.

Wararkii ugu dambeeyay Cadaado iyo 6 Musharax oo isugu soo haray Tartanka Madaxweynaha Galmudug

 Waxaa la soo gaba gabeeyay khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ay ka hor-jeedinayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, iyadoo lix musharax kaliya ay isugu soo hartay Tartanka Doorashada kadib markii Guddiga doorashada uu shaaciyay inay buuxiyeen shuruudihii loogaga baahnaa.

Ururka Boko Haram oo ku diley 80 ruux magaalo ku taal Waqoyi Bari Nigeria

Ugu yaraan 80 ruux ayaa lagu diley magaalada Kukawa ee Waqoyi Bari Nigeria kadib markii ay weerareen dabley hubeysan masaajidyo ay ku tukunayeen dad Muslimiin ah.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS