118 entries

Articles Published in June, 2015

Waddanka Kenya oo Maanta looga Dabaal-dagayo Xuska Madaraka ee Daaqiliga dalka Kenya

 Wadanka Kenya ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagayaa munaasabada  Maalintii Kenya ay heshey Xukunkeedii Daakhiliga ahaa, ee ay ugu diyaar-garoobeysay Xorriyadeeda rasmiga aheyd.

FAO oo Tababartay Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradaha kala duwan ee Koonfur Galbeed

Tababbarkaan ayaa waxaa ka Qayb-galay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo tababarka ay bixinayeen qaar ka tirsan shaqaalaha FAO, kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiir-u-dowlaha xafiiska RW Somalia, Burci Maxamed Xamza.

Daawo Sawirada Dekadda Magaalada Boosaaso oo lagu soo bandhigay Markab nuuca Dabdamis ah

Dekadda Magaalada Boosasao waxaa shalay lagu soo bandhigay Markab yar oo nuuca Dabdamiska loona yaqaamo Taag, waxa uuna Markabkan oo ah mid casri ah ku xiran Qalabka dab damiska ah oo loogu tala galay in lagu damiyo Maraakiibta iyo Doomaha uu dabku qabsado.

Wasiirka Amniga “Darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda, waxba kama tari karo sugida Amniga”

 Wasiirka Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay darbiga ay Kenya wado inay ka dhisto xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, si ay uga hortagto weerarada ay Al-Shabaab.

Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay wajiga labaad ee shirka Cadaado

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay furitaanka wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM oo madaafiic ku garaacay deegaano ka tirsan degmada Mahadaay

Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic ku garaacay deegaano bari ka xiga degmada Mahaaday ee gobolka Sh/dhexe, halkaasoo la sheegay inay saldhigyo ku leeyihiin Al-Shabaab.

C/qaadir Siidii “Ciidamada xooga dalka deegaano badan ayay gacanta ku dhigeen”

 Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa ka warbixiyay howl galadii u dambeeyay ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka.

Mid ka mid ah Madaxdii FIFA oo qirtay inay ku kaceen laaluush iyo musuq maasuq

Chuck Blazer oo horay uga tirsanaa Madaxda Guddiga Fulinta ee FIFA ayaa qirtay in isaga iyo xubno kale ay ku kaceen laaluush iyo musuq maasuq, isagoo cadeeyay inay laaluush ku qaateen u codeynta marti gelintii koobabkii adduunka ee sanadihii 1998-dii iyo 2010 oo lagu kala qabtay dalalka France iyo Koofur Afrika.

Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Burundi oo dib loo dhigay

Waxaa dib loo dhigay doorashadii Madaxtinimada iyo Baarlamaanka dalka Burundi, kadib rabshado siyaasadeed oo wali dalkaas ka socda, iyadoo Madaxweynaha talada haya uu ku adkeysanayo in mar saddexaad uu talada dalka maamulayo.

Dagaal culus ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan

Dagaal xoogan ayaa mar kale dib uga soo cusboonaaday deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalkan cusub ay ku geeriyooday ilaa tobaneeyo ruux, halka tiro intaa ka badanna ku dhaawacmeen.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS