C/salaan Hadliye “Wax la aqbali karo ma ahan in Somaliland ay celiso qaxooti Soomaali oo dhulkooda ku soo noqonaya”

Wasiirka Arrimaha Dowladda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabadii Somaliland ay ugu diiday in qaxooti Soomaali ah oo ka soo cararay colaada Yemen ka soo degaan Dekeda Berbera, iyadoo dadkaas oo haween iyo caruur ahaa dib loogu celiyay doontii ay saarnaayeen.

 C/salaan Hadliye “Wax la aqbali karo ma ahan in Somaliland ay celiso qaxooti Soomaali oo dhulkooda ku soo noqonaya”

Mr Hadliye oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in sharciga adduunka aanu qabin in dadka baahida qaba ama qaxootiga Soomaaliyeed la celiyo ama is hor-taag lagu sameeyo.

“Aniga ma fahmin waxa laga damacsan yahay, waayo sharciga adduunka u dhigan in dadka baahida qaba ama qaxootiga in la celiyo wax sax ah ma ahan, dadka soo noqonaya waa qaxooti Soomaaliyeed oo dalkooda ku soo laabanaya, hadii ay ahaan laheyd Berbera, Lughaya, Seylac, Boosaaso, Hobyo, Muqdisho iyo Kismaayo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaali ka badan hal malyuun ruux oo caalamka daafihiisa ku sugan ay magan galyo siiyeen Gaal iyo Muslim, isla markaana wax laga xumaado ay tahay in dad Soomaali ah loo diido dhulkooda oo la celiyo sida uu yiri.

mamulka-isaaq

“Magan ma siineyno dad Soomaali tacbaan ah oo ka soo cararay dhibaatada ka taagan Yemen waa wax lala yaabo, wax dowladda ogtahay ama raali ka tahay ma ahan”ayuu yiri Wasiir Hadliye oo ka soo jeeda magaalada Boorama.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya, xilli maalin ka hor Dekeda Berbera laga celiyay dad qaxooti Soomaali ah oo ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya, iyadoo horay Somaliland u sheegtay in aysan qaabili doono Qaxootiga ka soo jeeda Gobolada bariga, Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Dowlada hadashay ka oo

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS