Puntland oo sharci darro ku tilmaamtay mooshinka ka dhanka ah dhismaha Baarlamaanka Jubba

Maamulka Puntland ayaa war saxaafadeed ka soo saaray mooshinka ka dhanka ah dhismaha Baarlamaanka Jubba oo cabasho badan iyo dhaliilo xoogan loo jeediyay qaabkii loo soo xulay, waxaana mooshinkaas uu marayaa marxaladii u dambeysay ee codka loogu qaadayo.

Puntland oo sharci darro ku tilmaamtay mooshinka ka dhanka ah dhismaha Baarlamaanka Jubba

War saxaafadeedka oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in keenista mooshinkaas uu yahay mid aan sharci aheyn, isla markaana uu khilaafsan yahay dastuurka KMG ah, kaasoo lagu xusay in Maamulada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ay arrimahooda daakhiliga ah ay xaq u leeyihiin.

“Waxaa wax lala yaabo ah in meeshii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay hormuud ka noqon lahaayeen yoolasha nabad-dhisidda Soomaaliya ay caqabad ku noqdaan Barlamaan lagu soo xulay hab ku dhisan wada tashi laguna bixiyey dhaqaale iyo waqti isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda Kala duwan ee Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Puntland.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay inay cambaareyneyso mooshinkaas, isla markaana lagu hor istaagayo horumarka iyo nidaamka lagu hirgalinayo hanaanka Federaalka ee maamulada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Hadalkan ka soo yeeray Puntland ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maanta oo Sabti ah lagu wado in cod loo qaado mooshinka laga soo gudbiyay dhismaha Baarlamaanka Jubaland oo doodiisa todobaadka hore la soo gaba gabeeyay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Garoowe

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS