Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagtay dalka China (Sawirro)

Wasiiradda Wasaarada Caafimaadka Xaawa Xassan Mohamed oo booqasho rasmi ah ku tagtay todobaadkan dalka China ayaa waxay la kulantay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Dalka China H.E Li Bin, waxayna labada Wasiir ka wada hadleen sidi dib loogu soo celin lahaa mashaaricdi caafimaadka ee dalka uu ka fulin jiray China gaar ahaan dib u dhis lagu sameeyo Isbitaalka Banaadir oo ka mid ah Isbitaalada horay uu udhisay China, Sidoo kale in dib loo soo celiyo Qubaradii caafimaadka ee wadanka China u soo diri jireen wadanka Somaliya.

Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagtay dalka China (Sawirro)

Labada Wasiir ayaa waxay ku heshiyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan wafdi ka socdo Wasaarada Caafimaadka ee Dalka China loo soo diro Soomaaliya si ay uso qiimeeyaan baahida caafimaadka ee dalka, sidoo kale waxa la isku afgartay in heshis labada dal ah lagala saxiixdo dhawaan.

Sidoo kale wafdiga ay hogaamineysay Wasiiradda Caafimaadka waxay booqdeen 3 Gobal oo ka mid dalka China, gaar ahaan waxay si gooni ah wafdiga u booqdeen Warshadaha soo saara daawooyinka, isbitaalada wadanka, Jaamacadaha dalka iyo Xarumaha Cilmi Baarista ee Wadanka China, iyadoo dhamaan balanqaadyo rasmi ah ka soo heshay dhamaan meelihi ay booqatay.

Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Wafdigeeda waxay sidoo kale la kulmeen madax kala duwan, sida Guudomiyayaasha 3 Gobalka ay booqatay, waxayna isku dhaafsadeen arrimo la xariiro sidii kor loogu qaadi lahaa tacliinta iyo deeqda waxbarasho ee la sinaayo ardayda Soomaaliyeed, sidoo kale Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya waxay kala hadashay dhamaan madaxdii ay la kulantay in ardayda Soomaaliyeed laga caawiyo dalka ku galka Wadanka China oo maalmahan aad ugu aadka ardayda heshay wax barashada wadankaan,

Sidoo kale waxay wasiiradda xooga ku saartay in ardayda Soomaaliyeed oo aad uga cabanaayey in ay kala kulmaan caqabad dhinaca helida qabuuraha muslimiinta marki uu qof ka geeriyoday, waxaana ay ka codsatay in lagu ixtiraamo ardayda Soomaaliyeed dhaqankooda iyo diintoda taasoo ay aqbaleen madaxdii ay la kulantay.

Dhinaca kale Wasiiradda Caafimaadka ayaa waxay la kulantay ardayda Soomaliyeed ee wax ka barata dalka China, waxaana kulanka la isku dhaafsaday talooyin kala duwan iyo cabashooyinkooda, waxaana Wasiiradda Wasaarada Caafimaadka balan qaaday in dhamaan dhibaatooyinkaas la gaarsin doono madaxda dalka waxna laga qaban doono.

IMG_2071 IMG_2208IMG_2221IMG_2851IMG_2968IMG_3119IMG_3123IMG_3132IMG_3134

 

Section  Somali
Category   Local News
Tags  caafimaadka somalia Wasiirka

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS