4 entries

Articles Published on May 17, 2015

Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagtay dalka China (Sawirro)

Wasiiradda Wasaarada Caafimaadka Xaawa Xassan Mohamed oo booqasho rasmi ah ku tagtay todobaadkan dalka China ayaa waxay la kulantay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Dalka China H.E Li Bin, waxayna labada Wasiir ka wada hadleen sidi dib loogu soo celin lahaa mashaaricdi caafimaadka ee dalka uu ka fulin jiray China gaar ahaan dib u dhis lagu sameeyo Isbitaalka Banaadir oo ka mid ah Isbitaalada horay uu udhisay China, Sidoo kale in dib loo soo celiyo Qubaradii caafimaadka ee wadanka China u soo diri jireen wadanka Somaliya.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Murti iyo Maaweelo

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Murti iyo maaweelo  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso

Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan is dhex galka bulshada ah

Wasiirka Amniga gudaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qayb galay munaasabad ku saabsan is dhex galka bulshada, kaalinta bulshada uga aadan ka qeyb qaadashada horumarka dalka, baraarujin ku saabsan sidii shacabku u bixin lahaayeen canshuuraha iyo soo bandhigidda waxyaabihii u qabsoomay maamulka Dagmada kaaraan ee gobalka Banaadir.

Booliska Kenya oo sheegay inay gacanta ku dhigeen nin Al-Shabaab ka taageerayay dhaqaalaha

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca dhaqaalaha iyo qorista dhalinyara ku soo biiraya.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS