Dagaalyahano ka tirsan Daacish oo markii u horeysay ka soo muuqday dalka Yemen (Sawirro)

Kooxda Khilaafada Islaamka ama Daacish ayaa markii u horeysay ka soo muuqatay dalka ay dagaalada ka holcayaan ee Yemen, kadib muuqaal ay soo bandhigtay.

Dagaalyahano ka tirsan Daacish oo markii u horeysay ka soo muuqday dalka Yemen (Sawirro)

Daacish ayaa muuqaal soconayay 9-daqiiqo iyo qadaro ilbiriqsi ah soo saartay, kaasoo ay ku muujineyso joogitaankooda Yemen, una hanjabeysa Jabhada Xuutiyiinta.

Tobaneeyo ka tirsan dagaalyahanada Daacish oo wata qoryaha AK47, qoryaha boobayaasha iyo RBG, waxaa ay xirnaayeen dareys milateri, waxaana ay ku sugnaayeen dhul saxare ah oo ku dhow Caasimada Sanca.

Tan iyo markii Daacish ay sheegatay weerarkii bil ka hor lagu qaaday Masaajido ku yaala magaalada Sanca oo ay u badnaayeen Shiicada waxaa soo baxayay tuhun ah in kooxdu ay ku sugan tahay Yemen.

Mid ka mid ah dagaalyahanadii Video ka soo muuqday ayaa yiri yiri “Waxaan nahay Askarta Khilaafada Islaamka oo Yemen u yimid, inay madaxyada Xuutiyiinta gooyaan”

“Waxaan u nimid Yemen, wiilashan oo u ooman dhiigeena iyo inay idinka aar-gutaan, iyo sidii Suniyiinta dhulkooda idinkaga ceshan lahaayeen”ayuu yiri Hogaamiye ka tirsan IS.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Suniyiinta inay ku soo biiraan oo ay la dagaalamaan Xuutiyiinta, si ay uga saaraan dhulalka ay qabsadeen

Dagaalyahanadan ayaa dhoolatus kooban ku soo bandhigaya dhulka saxaraha, iyagoo rasaas ridaya, waxaana ay u muuqdeen kuwo si gaar ah u tababaran.

Kooxda Daacish oo markii hore ka bilaabatay dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa haatan u muuqata inay ku baaheyso wadamo badan, waxaana ay ka howl galayaan dalal ay horay ugu sugnaayeen taageerayaasha Al-Qaacida, sida Masar, Nigeria, Libiya, Algeria iyo meelo kale.

Daacish-Yemen (1)Daacish-Yemen (2)Daacish-Yemen (3)Daacish-Yemen (5)Daacish-Yemen (4)

Section  Somali
Category   Local News
Tag  Yaman

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS