5 entries

Articles Published on April 23, 2015

Midowga Yurub oo ka shiraya qul qulka dadka muhaajiriinta ee Badda Mediterranean-ka

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in maanta gelinka dambe ay shir deg deg ah isugu yimaadaan magaalada Brussels, iyagoo ka wada hadlaya qul qulka dadka muhaajiriinta ee naftooda ku soo biimeya Badda Mediterranean-ka, si ay Yurub u gaaraan.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ku eedeeyay Guddoonka Baarlamaanka ku xadgudubka dastuurka

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Dibadda ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Labadiisa ku xigeen in ay ku xadgudubeen xeer-hoosaadka baarlamaanka iyagoo u adeegsanaya ra’yigooda shaqkhsiga ah mansabka ay xambaarsan yihiin.

Madaxweynaha oo ka qeyb galaya xus loo sameynayo guulihii Turkiga ee dagaalkii 1aad ee Adduunka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Istanbul kaga qeybgalaya shir madaxeed lagu dhiira gelinayo nabadgelyada adduunka iyo xuska guushii ciidammadii Turkiga, xilligii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ay ka gaareen Dagaalkii 1aad ee Dunida.

Baarlamaanka Soomaaliya oo lacag ugu deeqay dib u soo celinta Qaxootiga Soomaalida ee Yemen

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku go’aamiyeen lacag uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu deeqay dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe oo ku baaqay dayactirka wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu baaqay wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka iyo jaaliyada gobolka Sh/dhexe ee caalamka ku nool inay ka qeybqaataan dayactir lagu sameynayo wadadka isku xirta degmada Jowhar iyo Balcad.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS