Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xayiraada Xawaaladaha iyo dhibaatada ay keeni karto

War qoraal ah oo si wada jir ah u soo saareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa looga digay xayiraada Xawaaladaha Soomaaliya, iyadoo walaac laga muujiyay dhibaatada ay ku keeni karto shacabka Soomaaliyeed.

 Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xayiraada Xawaaladaha iyo dhibaatada ay keeni karto

Qoraalkan oo Luqada English-ka ku qornaa ayaa lagu sheegay in hadii ay sii socoto arrintan ay caqabad ku keeni karto dhaqaalaha dalka iyo dadaalka dowladda ay dib uga soo celinayso Nabad gelyada dalka maadaama lacagaha dibadda dadka Soomaaliyeed ay ka soo diraan ay ku tiirsan tahay Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay muhiimada ay xawaaladaha u leeyihiin shacabka, waxaana hadii la xiro ay sheegeen ay dhibaato ku noqoneyso nabada iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadlayay qoraalkan ayaa sheegay in Bankiyada waa weyn ee dalka Mareykanka ay joojiyeen wada shaqeynta ay la lahaayeen xawaaladaha Soomaalida iyo adeegyadii ay fulin jireen, taasoo uu xusay inay saameyn ballaaran ku yeelatay dad badan oo ku tiirsan lacagaha dibada laga soo diro

“Si Arrintaan looga hortago Dowladda Soomaaliya waxa ay horay uga shaqaynaysay in la nidaamiyo habka loo maamulo xawaaladaha Soomaalida lacagaha ka yimaada si ay ugu dhacaan gacantii loo baahnaa lacagahaasi Bankiga dhexe ee hadda shaqaynaya waxa uu leeyahay qubaro arrimahaasi ku xeel dheer oo waliba qeyb gaar ah oo arrimahaasi ka shaqeeya si loo sameeyo wada shaqayn ay yeeshaan Bankiga dhexe iyo kuwa caalamka”ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha oo la hadlayay Raadiyaha dowladda

Warkan ka soo yeeray dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmay, iyadoo dowladda Kenya ay xayiraad ku soo rogtay 13 xawaaladood iyo akoonada 86 shaqsi, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay maal geliyaan Al-Shabaab.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  dOWLADA sOOMAALIYA

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS