5 entries

Articles Published on April 8, 2015

Wafuud isugu jira Wasiiro iyo Mas’uuliyiin oo maanta gaaray Dhuusa Mareeb iyo Caabudwaaq

Wafuud ballaaran oo isugu jira Wasiiro, Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo ayaa maanta gaaray degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Caabudwaaq, iyadoo socdaalkooda uu la xiriiro arrimaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe iyo sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira habka loo marayo maamul u sameynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta mar kale ku sii jeeda Dhuusa Mareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, iyadoo la filayo in Madaxweynuhu halkaas kaga dhawaaqo halka rasmiga ah ee lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

Kenya oo xayiraad ku soo rogtay 13-xawaaladood iyo akoonada bangiyada 86 ruux

Dowladda Kenya ayaa xayiraad ku soo rogtay 13 xawaaladood iyo akoonada 86 ruux oo looga shakisan yahay inay maalgeliyaan Al-Shabaab, iyadoo tallaabadan ay tahay mid looga jawaabayo weerarkii u dambeeyay Al-Shabaab ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xayiraada Xawaaladaha iyo dhibaatada ay keeni karto

War qoraal ah oo si wada jir ah u soo saareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa looga digay xayiraada Xawaaladaha Soomaaliya, iyadoo walaac laga muujiyay dhibaatada ay ku keeni karto shacabka Soomaaliyeed.

Mareykanka oo hub siinayaa Xulufada uu Sacuudiga horkacayo

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay hubeyneyso xulufada uu horkacayo Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS