Sawirro: Weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

Ku dhowaad toban ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo galabta lagu qaaday Hotelka caanka ah ee Maka Al-Mukarama.
Sawirro: Weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho
Hotelkan oo ku yaala wadada mashquulka badan ayaa waxaa dega siyaasiyiinta, dadka qurbaha ka yimaada iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Weerarkan oo ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ahaa gaari kuwa dagaalka ee ay Soomaalida u taqaan cabdi bile, kaasoo qoriga uu ka furnaa. Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaarigan oo uu waday ruux naftii hure ah lagu dhiftay birta ku hor-gudban albaabka dambe ee hotelka, iyadoo kadib dabley hubeysan ay gudaha u galeen, kuwaasoo toogasho ka geysatay. Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in howl galka ay soo gaba gabeeyeen goor sii horeysay oo fiidnimadii ah, kadib markii uu qaatay in ka badan saddex saacadood. Dad badan oo mas’uuliyiin ay ku jireen ayaa laga soo bad baadiyay Hotelka, qaarkood dabaqa labaad ayay ka soo boodeen. Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa howl galka ka qeyb qaatay, kuwaasoo gudaha u galay. Hotelka Maka Al-Mukarama ayaa saddex goor oo hore waxaa lagu qaaday weeraro aan guuleysan, balse weerarkii maanta ayaa ah mid ka duwanaa weeraradii horay u fashilmay oo ugu dambeeyay kii horaantii bishan ka dhacay banaanka hotelka. Wixii ku soo kordha khasaaraha weerarka kala soco wararkeena dambe qaraxii hotel maka (1) qaraxii hotel maka (2) qaraxii hotel maka (3) qaraxii hotel maka (4) qaraxii hotel maka (5) qaraxii hotel maka (6) qaraxii hotel maka (7) qaraxii hotel maka (8) qaraxii hotel maka (9) qaraxii hotel maka (10)
Section  Somali
Category   Local News
Tag  Muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS