Madaxweynaha Soomaaliya oo Ciidanka Amaanka Faray Sugida Amaanka Hetelada
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta dowladda kula hadlay, isagoo ku sugan magaalada Sharma Sheekh ayaa faray Hey’addaha Amniga inay taxadar ka muujiyaan amniga hotelada, xarumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka.
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar dhimasho iyo dhaawac sababay ku qaadeen Hotelka Maka Al-Mukarama, waxaana dabley hubeysan ay Hotelka ku jireen in ka badan 12-saacadood oo ay ka dagaalamayeen gudaha Hotelka.
“Waxaa farayaa dhamaan Hey’adaha amniga in taxadar dheeri ah laga muujiyo amniga hotelada, goobaha muhiimka iyo xarumaha dowladda, nimankan naf la caariga ah in laga hortago mooyee, wax kale oo asxaan ma lahan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan dalka Masar.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan niyad jebin doonin shacabka weeraradan oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo naf la caari ah.
“Maka Al-Mukarama ma ahan goob ciidan iyo xarun dowladeed toona, tani waxay daliil u tahay in argagixisada cadaawad u qabaan shacabka, weerarkan nagama joojin karo dadaalka dowladda wado”ayuu yiri Madaxweynaha.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay weerarkaas, kuwii ku dhaawacmayna waxaa uu u rajeeyay in Alle uu bogsiiyo, wuxuuna bogaadiyay ciidamada amniga ee si deg deg ah uga jawaabay markii, una gurmaday dadkii hotelka ku jiray, soona bad baadiyay.
Comments