Howlgalkii Helelka Maka Al Murarama iyo qaabkii loo soo Gaba gabeeyay
Waxaa goor dhow soo gaba gaboobay howl galkii Hotel Maka Al-Mukarama,kadib markii gelinkii dambe ee shalay Al-Shabaab ay weerareen Hotelkaas, isla markaana tan iyo saaka ka dagaalamayay.
Howl galkan oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dableyda hubeysneyd ee gudaha u gashay Hotelka ay toogasho ka geysteen Hotelka.
Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa si rasmi u xaqiijiyay in howl galka la soo gaba gabeeyay abaarihii 8:30, isla markaana xaalada haatan gacanta lagu haayo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay toogteen mid ka mid ah raggii hubeysnaa ee dabaqa ugu sareeya Hotelka ku jiray.
Ciidamo kuwa miino baarayaal ah ayaa wali Hotelka ka sameynaha howl gal baaris ah, hadii ay jiraan in waxyaabo qarxa looga tagay goobta, sidoo kale ciidamadii sida gaarka ah u tababarnaa ayaa goobta ka baxay oo ku wareejiyay ciidamo boolis ah.
Wadada Maka Al-Mukarama ayaa gebi ahaanba xiran, waxaana weerarka Hotelka uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee wadadaas mashquulka badan.
Illaa iyo hada lama haayo tiro sax ah oo ku saabsan dhimashada, inkastoo la sheegayo in ku dhowaad labaatan qof lagu dilay weerarka.
Wariyeyaal ku sugan Hotelka ayaa soo sheegaya inay arkeen meydadka qaar ka mid ah raggii hotelka ka dagaalamayay iyo tiro ciidamada ka tirsan.
Waxaa la soo sheegayaa inay jiraan dad saaka aroortii laga soo saaray gudaha hotelka, waxaana ka mid ahaa nin Kenyan ahaa oo ka mid ahaa raashin kariyeyaasha Hotelka.
Goor dhow ayaa la filayaa in laamaha ammaanka ay ka soo saaraan warbixin guud oo ku saabsan weerarka iyo khasaaraha uu sababay.
Comments