5 entries

Articles Published on March 10, 2015

Ahlusuna oo sheegay in heshiiskii la gaaray aanay qeyb ka aheyn in ciidankooda laga saaro Guriceel

Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Ahlusuna ay diideen in ciidankooda ka saaraan degmadaas, iyadoo cadeeyay in heshiiskii dhowaan la gaaray aanu qeyb ka aheyn in ciidankooda ka baxaan Guriceel.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo weeraray deegaan ka tirsan Sh/Dhexe oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen

Wararka ka imaanaya degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay xalay weerareen deegaanka Masaajid Cali-guduud, halkaasoo ay fariisin ku lahaayeen Al-Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo walaac xoog leh ka muujineysaa Soomaalida ku dhamaneyso tahriibka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Soomaaliya  waxa ay walaac xoog leh ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada,ee ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed , kuwaasi oo qaarkood ku waaya naftooda inta ay ku guda jiraan socdaalka , ama loola bareero dhibaatooyin ay ka mid yihiin kufsi , jirdil iyo ku shaqeysi qasab ah. 

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo kula kulmay Addis Ababa ra’iisul wasaaraha Ethiopia Desalegn (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah maanta ku yimid dalka Ethiopia isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Mudane Hailemariam Desalegn  iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Mudane Tedros Adhanom. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha dalalka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Wasiirada Waxbarashada Drs Khadra Bashiir oo la kulantay danjiraha dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Drs Khadro Bashiir Cali oo ay wehelinayaa Wasiiru dowlaha Mudane Cabdullahe Bile, Wasiir ku xigeenka Mudane Xaamud Cali Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Tacliinta sare Mudane Ismaaciil Yuusf ayaa waxey maanta ku qaabishay Xafiiskeeda Safiirka Dowlada Chine u fadhiya Dalka Soomaaliya.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS